Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku tilmaamay weerarkii habeen hore lagu qaaday Clup ku yaala magaalada Orlando ee gobolka Florida ”fal argagixisanimo iyo mid naceyb ah”.
Barack Obama ayaa sheegay in Madaxda dowlada Mareykanka ay aad kaga xun yihiin dhacdada ka dhacday Clup-ka ku yaala magaalada Orlando ee gobolka Florida wuxuu tilmaamay in dalka Mareykanka uu xiligaan Qatar kaga imaanayso dadka haysta Hubka sharcidarada ah.
Dad kor u dhaafaya 50-ruux ayaa ku dhimatay Weerarka kadib markii nin haysta dhalashada Mareykanka balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Afghanistaan uu weerar ku qaaday clup ay ku sugnaayeen dadka laga roonyahay oo ku yaala Magaalada Orlando ee gobolka Florida.
Cumar Mateen oo 29 jir ahaa ayaa loo aqoonsaday in uu yahay ninka ka dambeeyay weerarka, waxaana markii dambe toogtay ciidamada amaanka Magaalada Orlando ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

