Inta la xaqiijiyay 50-ruux ayaa ku dhimatay toogasho ka dhacday Magaalada Orlando ee Gobolka Florida ee dalka Mareykanka.
Weerarkan, ayaa waxaa lagu qaaday baar xilliyada habeenkii ah ay ku caweeyaan Dadka qaniisiinta ama laga roonayaasha oo ku yaala Magaaladaasi, waxaana gaystay muwaadin u dhashay dalka Mareykanka.
Omar Mateen oo ah 29 jir asal ahaan ka soo jeeda dalka Afghanistan, ee qaarada asia ayaa waxaa la tilmaamay in isagu uu ka masuul ahaa weerarka, iyadoona mar dambe ay toogasho ku dileen Ciidamada ammaanka Magaalada Orlando ee Gobolka Florida ee dalka Mareykanka.
Sarkaal ka tirsan FBI-da Mareykanka oo lagu magacaabo Ron Hopper, ayaa waxaa uu sheegay marka loo eeggo baaxadda khasaaraha ee weerarkan uu geystay , ay u baari doonaan sidii fal argagaxiso oo kale madaama hal waqti la dilay dad kor u dhaafaya 50-ruux.











