Wararka ka imaanaya Magaalada Orlando ee Gobalka Florida ee dalka Mareykanka ayaa ku waramaya in Nin hubaysan uu toogasho ku dilay 20-qof oo ku sugnaa Clup ku yaala Magaaladaas.
Ninkaan ayaa la sheegayaa inuu ku hubaysnaa Qori, islamarkaana dadkaan oo Clup-ka ku sugan mar kaliya uu ku bilaabay rasaas xoogan, taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii ku sugnaa Clup-ka.
Ninka weerarkan ku qaaday oo aan weli heybtiisa la xaqiijin ayaa la sheegay inuu hada ku dhexjiro Clubkaasi, isla markaana afduubtay koox kamid ah dadkii goobtaasi ku sugnaa, sida ay sheegeen ciidamada Booliiska.
Dhanka kale Laamaha amaanka Magaalada Orlando ee Gobalka Florida ee dalka Mareykanka ayaa wali ku mashquulsan sidii ninka hubeysan loogu soo saari lahaa Gudaha Clup-ka.









