Dawlada Kenya oo Sheegtay in aysan ka Laaban Doonin Go’aanka Dib u Celinta Qaxootiga

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku booriyay Hay’ada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UNHCR in ay ku taageerto dawlada Somaliya sidii ay ula noqon lahayd Qaxootiga Soomaliyeed ee ku nool Xerada Dhadhaab.

Madaxweyne Kenyata ayaa dhanka kale tilmaamay in go’aanka ay gaartaay dawladiisa ee ku  aadanaa dib u celinta qaxootiga uu yahay kii ugu dambeeyay ,islamarkaana aan dib loogu noqon doonin.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay aqalka madaxtooyada Kenya Manoah Esipisu ayaa waxaa uu ku celiyay in dib u celinta Qaxootigu ay noqonayso mid waafaqsan hanaanka bini aadanimada.

Waxaa kaloo uu sheegay in go’aankaan uu ka dhashay dhibaato dhinacyada ammaanka iyo deegaanka oo wadanka ka soo gaaray Qaxootiga uu marti gelinayo.

Madaxweyne Kenyata ayaa maanta oo axad  ah waxa uu la kulmay  madaxa laanta Qaramada Midoobe  qaabilsan qaxootiga Filippo Grandi waxaana uu sheegay in uu u gudbiyay fariin ku aadan in go’aanka ay gaartay Kenya ee dib u celinta qaxootiga bisha November ee sanadkaan uu yahay kii ugu dambeeyay,

Dhowaan ayay ahayd markii wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya uu ku dhawaaqay in dib loo celinayo qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab bisha November ee sanadkaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here