Inta la xaqiijiyay saddex Askari oo Milateriga ka tirsan, ayaa ku dhintay halka ay ku dhaawaceem Shan kale kadib markii maanta uu isku dhac uu ku dhexmaray Xarunta Kafaalo ee Magaalada Cadaado iyaga Ciidamada Maamulka Galmudug.
Isku dhacaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug ay weerar ku qaadeen ciidanka Millateriga 21-aad oo Mushaar loogu qaybinaayay Xarunta Kafaalo ee Magaalada Cadaado.
Ciidamada Galmudug ayaa la sheegay in ay ka caroodeen Mushaarka loo qeybinayay Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee ku jira Xarunta Kafaalo ee Magaalada Cadaado, iyagoo Ciidamada Galmudug aysan helin wax Mushaar ah mudooyinkii dambe.
Cumar Macalin Cali Taliye ku-xigeenka Booliska Magaalada Cadaado ee Maamulka Galmudug oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen qasaaro soo kala gaaray ciidamada dagaalamay.

