Shabaab oo Xukun Dil ah ku Fuliyay Labo Nin ay ku eedeeyeen Basaasnimo

0

Maamulka Al-shabaab ee deegaanka Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa mar kale xukun dil ah waxa uu ku fuliyay labo nin oo Soomali ah oo ay ku eedeeyeen in dowlada Soomaliya Basaasiin ay u ahaayeen.

Gelinkii dambe ee Sabtidii shalay, ayay Shabaabku Fagaaraha Degmada Jilib ku toogteen laba nin oo Soomaali ah, ka dib markii ay ku eedeeyen inay u basaasayen Dowladda Somaliya, Islamarkaana ay ka fududeeyeen duqeymo lagu dilay Hogaamiyaasha Shabaab.

Qof kamid ah dadka deegaanka Jilib ee Gobolka Jubada  Dhexe ayaa warbaahinta u sheegay in shabaabku ay dadka ku amreen in ay kasoo qeyb galaan qaabka uu u dhacayo xukunka dilka ah ee lagu fulinaayo labada nin  ee lagu eedeeyay basaasnimada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here