Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Juba-land Maxamuud Sayid aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aan xiligaan la joogin waqtigii lagu deg degi lahaa dib usoo celinta Qaxootiga Soomaliyed ee ku jira Xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.
Maxamuud Sayid aadan ayaa tilmaamay in amaan ahaan aysan wanaagsaneen deeganada Maamulka Juba-land islamarkaana uusan maamulka xiligan u diyaar garoobin dib u dajin loo sameenayo dadka Qaxootiga ee kasoo laabanaya dalka Kenya.
“Amaan ahaan deegaanada Maamulka Juba-land ma wanaagsana xiligaan waxaa ka jira falal amni daro maamulka waxa uu dagaal kula jiraa Al-shabaab ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jub-land Maxamuud Sayid aadan oo la hadlay laanta afka soomaliga ee Bbc-da.
Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Juba-land Maxamuud Sayid aadan ayaa cadeeyay in dhawaan la bilaabi doono howlgalka Gobolada Jubooyinka iyo Gedo loogu saarayo Al-shabaab iyo beegsiga Hogaamiyaasha ka Tirsan Al-shabaab.

