Taliska Amisom ayaa sheegay in ay ka war hayeen weerarkii ay Al-shabaab kusoo qaadeen saldhigay ay Ciidamada Ethopia ee qeybta ah Howlgalka Amisom ay ku lahaayeen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Maj. Gen. Nakibus Lakara oo ah Sii hayaha Taliyaha Ciidanka Amisom, ayaa Saxaafadda u sheegay in ciidankooda ay ka war hayeen xogta ku aadan weerarka Shabaab ay qorsheynayeen balse ay tijaabanayeen awooda ciidankooda ay u leeyihiin in ay iska caabiyaan weerarada kaga imaanaya Al-shabaab.
“Xogtooda ayaa la hayey ka hor weerarka, waxa ayna ahayd in ciidanka la tijaabiyo feejignaantooda, waxa uu ahaa tusaale diyaargarow oo loogu talagay, ciidanku waa ay feejignaayeen, waxaana macluumaadkaas ay ka heleen dadka deegaanka.”Ayuu yiri Maj. Gen. Nakibus Lakara.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarka Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan waxayna sheegeen in ay dileen 60-askari oo Ethopiyaan ah oo ku sugnaa saldhiga Halgan ku yaalay.
Dowlada Soomaliya, Ethopia iyo taliska Amisom ayaa dhankooda sheegay in la jabiyay Al-shabaab islamarkaana uu soo gaaray qasaaro kii ugu weyn ee ebed ay la kulmaan waa sida loo dhigay Hadalka Madaxda Dowladahaas kasoo baxay.

