Siyaasi Cali Seeko:- “Maamulka Madaxweyne C/kariin Xuseen Guulleed Waa uu Guul Daraystay

0

Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax (Seeko) oo kamid ah Madasha Wadatashiga iyo badbaadinta Galmudug oo la Hadlay Idacaada Simba ee Muqdisho ayaa Madaxweynaha Galmudug ku Eedeeyey in uusan waxba ka Qabanin Qilaafka ka Dhex jira Bulshada Gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Mudane Cali Maxamuud Faarax Seeko ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/Kariin Xuseen Guulleed iyo Maamulkiisu ay Mudda Halka Sano ah ee ay xilka hayaan ay ku meeraysanayeen inta u dhexeysa Magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo ee Gobolada Dhexe.

Siyaasigaan ayaa Madaxweyne Guulleed ku eedeeyey in uu mudda uu hayo Hogaanka Maamulka Galmudug uu ku Mashquulsanaa olale ku Aadan sidii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kursiga dib ugu soo laaban lahaa Doorashooyinka 2016 soomaliya ka dhacaysa.

Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax (Seeko) oo sii hadlayey ayaa tilmaamay in ay sii kordhayaan Maamulada laga dhisayo Gobalka Galgaduud waxa uuna xusay in Waqooyiga Gobalka Galgaduud laga dhisay Maamul loogu Magacdaray Galgaduud sare,halka hada ay Qaban qaabada dhismihiisa ay socoto Maamulka asna loogu magacdaray Galmudug-ta Bari

Magalada Muqdisho ayaa looga Dhawaaqay Madal loogu magacdaray Madasha wada tashiga iyo Badbaadinta Galmudug oo ka Kooban 11-xubnood oo iskugu jira Wasiiro,Xildhibaano iyo Siyaasiyeen ka soo jeeda Gobalada Dhexe islamarkaan Xilal ka haya Maamulka Galmudug iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here