Ban Ki-moon oo ugu Baaqay Dowlada Somaliya in ay sii Wado Dagaalka ay kula jirto Alshabaab

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-moon ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Howlgalka AMISOM Saldhiga ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay dawlada Somaliya in ay sii wado dagaalka ay kula jirto Alshabaab inta ay ku sugan gayiga Soomaliya.

Xoghayaha Qaramada Midoobe ayaa waxa uu tacsi u diray askartii ku geeriyootay dagaalkaas qoysaskii ay ka soo jeedeen asagoo sidoo kalana u rajeeyay in ay si dhaqsa ah usoo bogsadaan ciidamadii ku dhaawacmay weerarkaas sida uu wakaalada wararka ee Xinhua u sheegay Afhayeen u hadlay Ban Ki-moon.

Ban ayaa muujiyay midnimada iyo sida ay u garab taaganyihiin AMISOM iyo ciidamada xoogga Dalka Somaliyeed waxa uuna ku amaanay sida geesinimada leh ee ay uga hortagaan weerarada ay alshabaab soo qaadaan waxaana uu sheegay in ay dadaal ugu jiraan soo celinta ammaanka iyo xasilinta Somaliya.

Xogahaya guud ee QM ayaa usoo jeediyay dadka iyo dawlada Somalia in ay aysan ka daalin ladagaalanka Xarakada Alshabaab.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Saldhig Halgan ay Ciidamada Ethopia ku lahaayeen waxa ayna sheegeen in ay dileen 60-askari oo Ethopiyaan ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here