Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii gaari wax yaabaha qarxa lagu soo xiray lagu qarxiyay xarun Boolis oo ku taala meel u dhow xuduuda Turky-ga uu la leeyahay Siiriya.
Sida ay baahisay Wakaalada Wararka ee Reuters qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay dhisma ay boolisku degenyihiin oo ku yaala magaalada Midyat taas oo u dhow Xuduuda wadanka Turky-ga uu la leeyahay dalka Suuriya.
Warbaahinta dawlada Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxa bartilmaameedkiisu uu ahaa xarun ay leeyihiin Ciidamda Booliska Turky-ga oo ku taala Gobolka Mardin, kaasi oo dhaca Woqooyi Bari dalka Turky-ga.
Sawiro lasoo dhigay barta twitterka ayaa muujinaya holac iyo qiiq aad u xoogan oo ka baxaya goobta la qarxiyay.
Dawlada ayaa sheegtay in aambalaasyo ay u dirtay meesha ay wax ka dhaceen si ay usoo qaadaan dadka wax ku noqday halkaas.

