Dalka Turky-ga oo Kordhinaya Gar-gaarka oo Siiyo Wadamo ay Kamid Tahay Soomaliya

0

Hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay gargaar bini’aadanimo oo u dhigma 2.5 million oo lacagta dalka Turkiga ah ay gaarsiin doonto dad badan oo ku tabaalaysan wadamo badan oo ku yaala Africa iyo Aasiya inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

Madaxweynaha Hay’adda bisha cas ee Turkiga Kerem Kınık,ayaa sheegay in gargaar cuno oo u dhigma $860,000 ay ugu tala galeen in ay gaarsiiyaan dadka masaakiinta ah ee ku nool Afrika iyo aasiya maadaama lagu jiro bisha Ramadaan waxaana uu sheegay in ay bilaabeen maalintii isniintii ee usbuucaan.

Kinik ayaa tilmaamay in ay jiraan jikimo cuntooyin lagu kariyo oo loogu talagalay dadka masaakiinta ah  ayna ka furanyihiin Somaliya kuwaas oo ay gacanta ku hayaan looguna talagay in lagu quudiyo dad gaaraya 7,500 oo qof waxaana uu intaa ku daray in lasii wadi doono gargaarkaas mudada bisha Ramadaan lagu jiro.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here