Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay baarayso askar ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM kuwaa oo dhawaan lagu xiray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Dowladda Uganda ayaa sheegtay in loo baahanyahay in si aad ah loo baaro sababta keentay in Ciidanka AMISOM ay ku dhaqaaqaan falka baxsan shaqadii loo idmaday.
Col. Paddy Ankunda Afhayeenka ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo la hadlay wakaalada wararka Xinhua ayaa sheegay in dowladda Uganda ay ka xuntahay falkaas ayna diyaar u tahay in ay ku sameyso baaritaan dheeri ah .
“Waxaan ku wadnaa baaritaan arintaas hadii danbi lagu helo waxaa la marsiin doono sharciga, waa xaqiiqo in ay wajihi doonaan ciqaab adag,wax la aqbali karo ma ahan falkaas oo kale waan ka xunahay” ayuu yiri Col. Ankunda.
Ururka Midowga Afrika oo asna ka hadlay falkaan ayaa sheegay in ay tahay wax lagu xumaado ayna baaritaanada lagu hayo askartaas ka qeyb qaadan doonaan.
Dhowaan ayay ahayd markii 5 askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM lagu xiray Magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu eedeeyay in ay si sharcidaro ah uga ganacsanayeen Agab milatari oo ay ka midyihiin shidaal jawaanada carrada sanduuqyada Rasaasta.

