Axmed Macalin Fiqi:- Al-shabaab Way Niyad Jabeen Kadib Dilalkii Macalin Daa’uud iyo Sheekh Dulyadeyn

0

Agaasimihii hore ee  Hay’ada Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya Axmed Macalin Fiqi,  ayaa ka hadlay Howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidamada dowlada Soomaliya, Amisom iyo Mareykanka oo iskaashanaya ay ku dileen labo Sarkaal oo Shabaabka dhexdooda muhiim ka ahaa.

Macalin Daa’uud iyo Sheekh Dulyadeyn oo kamid ahaa saraakiisha Al-shabaab ayaa lagu dilay weeraro Diyaarado loo adeegsaday oo mid ka mid ah ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Somaliya, halka midka kalena ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.

Axmed Macalin Fiqi ayaa Sheekh Dulyadeyn ku tilmaamay inuu ahaa  nin Sarkaal sare ah oo si weyn uga dhexmuuqday Xarakada Shabaab, marka loo eego howlgaladii uu qaadi jiray, gaar-ahaan weeraradii lagu qaaday gudaha dalka Kenya.

“Wuxuu ahaa nin hogaaminta ciidanka ku wanaagsan howlgalada qaarna Shabaab u qaabilsanaa inta badana wuxuu ka howlgeli jiray Jubbooyinka iyo Kenya, nin aaminsan Shabaab oo aad u mayal adag ayuu ahaa.” Ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale Agaasimihii hore ee Nabad Suggida Somaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa ka hadlay saameynta uu shabaab ku yeeshtay dilka Macalin Daa’uud oo ahaa Madaxii Amniyaadka Xarakada al-shabaab oo lagu dilay duqeyn ay fuliyeen Ciidamada Mareykanka.

“Dilka Macalin Daa’ud wuxuu uga dhigan yahay Ninkii Gaashandhiga u qaabilsanaa amniyaadka ayuu soo qabtay Kiisaska Qaar waa loo dhiibi jiray Nimankii Faransiiska ee u afduubnaa Shabaabka waa loo dhiibay, nin Godane aad ugu dhaw ayuu ahaa dhaawac weyn ayeey u geysanaysaa arintaan.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Fiqi.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here