Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay Dhalashadii Boqoradda Ingiriiska Queen Elisabeth II oo lagu qabtay safaaradda Britain ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabada waxaa soo qaban qaabisay danjiraha Britain u fadhisa Soomaaliya Harriet Mathews ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada Soomaliya oo uu ugu horreeyo R/wasaaraha dalka Cumar Cabdi rashiid Cali Sharma’arke.
Mas’uuliyiintii ka qeyb galay Munaasabada oo hadalo ka jeediyay ayaa intooda badan ugu hambalyeeynayay Dhalashada boqoradda Ingiriiska Queen Elisabeth II oo dhawaan sagaashan jirsatay.












