Safiirka Soomaliya ee Dalka Kenya oo Kulan Afur ahaa u Sameeyay Madaxweynaha Soomaliya iyo Mas’uuliyiin kale+Sawirro

0

Madaxweynaha  Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Xalay  ka qeyb galay Kulan Afur ahaa  oo uu sameeyay safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jamaal Maxamed Xasan.

Kulanka Afurka ahaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiiin ay kamid ahaayeen xildhibaan Ilyaas Barre Shiil, Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doortay xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi, Senator Yuusuf Xaaji oo ah wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Kenya xildhibaano kale, R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, marwada madaxweynaha, Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdirashiid Xiddig iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud  ayaa Afurka kadib  kulamo la qaatay Madaxdii kasoo qeyb gashay kulanka Afurka ahaa wuxuuna ugu waramay Xaaladihii ugu dambeeyay dhanka  Amaanka iyo Hormarka dalka Soomaliya.

Mudane Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaliya  ayaa Maanta Mar kale la kulmi doona Dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyagoo kawada hadli doona Xaalada Qaxootiga Soomaliyeed ee ku jira  Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyig Bari ee dalka Kenya.

ggggg IMG_1672 IMG_1711 jjjjjj kkk tttttt

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here