Askari ka Tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida oo Lagu Dilay Deegaanka Garasbaaley

0

Kooxo Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa Askari  lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Shiine, waxa ay ku dileen  deegaanka Garasbaaley, oo ku yaala wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Raga Hubeysan ayaa la sheegay in Askariga ka Tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida ay ku toogteen meel aan ka fogayn Tabeellaha Sheekh Ibraahim, iyagoona dilka ka dib ka baxsaday goobtaasi, Sida goob-joogyaal ay warbaahinta u sheegeen.

Dilka kadib waxaa gooobta soo gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Nabad Sugida oo goobta ka sameeyay baaritaano lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay falka lagu toogtay Askariga ka Tirsanaa Ciidanka Nabad sugida.

Dhanka kale Askari kale iyo Wiil Dhalinyaro ahaa ayaa xalay siyaabooyin kala duwan loogu dilay Degmooyinka Howlwadaag iyo warta-nabada ee Gobolka Banaadir.

Wiilka Dhalinyarada ayaa lagu dilay meel ka ka fogeyn xarunta Dahabshiil ee wada Labaad ee Suuqa Bakaaraha waxaana dilkiisa fuliyay rag qoryo watay, Askariga la dilay ayaa isna lagu dilay meel aan ka fogeyn Xarunta degmada Howlwadaag xili uu kamid ahaa dad daawanayay ciyaar ka dhacday garoon ku yaala Degmadaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here