Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa Maanta kuwada kulmaya Magaalada Nairobi +Dhageyso

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh oo booqasho Rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta kulan la qaadan doona Dhigiisa dalka Kenya Uhuru Muigai Kenyatta.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka Labada Madaxweyne ee maanta dhacaya diirada lagu saari doono Arrimaha Amniga, Xiriirka Labada dal, iyo Arrimaha Qoxootiga Soomaliyeed ee ku jira Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal heynta ku aadan in maanta heshiis rasmi ah laga gaari doono dib usoo Celinta Qaxootiga Soomaliyeed ee ku nool Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay xiri doonto xeryaha Qaxootiga  ee ku yaala dalkeeda kadib markii ay sheegtay in ay yihiin kuwa laga soo Abaabulo Weerarada ka dhaca Dalkeeda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here