Nin Bambada Gacanta Laga Tuuro ku Weeraray Hoyga Gudoomiyaha Degmada Dayniile oo La Qabtay

0

Ciidamada Amaanka Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa Gacanta ku dhigay nin bambada gacanta laga tuuro ku weeraray hoyga Gudoomiyaha Degmada Dayniile, Mudane Axmed Nuur Cali Siyaad.

Xiligiii Afurka ayaa la sheegay in bambada gacanta lagu tuuro  lagu weeraray Hoyga Gudoomiyaha Degmada Dayniile, Axmed Nuur Cali Siyaad, iyadoo Ciidamada intaas kadib ay ku guuleysteen soo qabashada ninkii ka dambeeyay falkaas.

Gudoomiyaha Degmada Dayniile,Axmed Nuur Cali Siyaad, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In ciidamada ay xabado ku rideen ninka bambada soo tuuray isla markaana uu soo gaaray dhaawac ayna daryeel caafimaad u sameyn doonaan .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here