Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissery, ayaa sheegay in dowlada Kenya aysan awood u adeegsan doonin dib u celinta Qaxootiga ku nool Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.
“Go’aanka Dowladda Kenya ee dib u celinta dadka qaxootiga wuxuu noqon doonnaa mid ku saleysan arrimaha bani’aadanimada iyo waxa ay isla ogolyihiin bulshada caalamka ee sharuucda caalamiga ah.” Ayuu yiri Wasiirka
“Waxyaabaha ay iminka Saxaafadda caalamka wado ee ah in qaxootiga si khasab ihi looga rari doono xeryaha qaxootiga ee Degmada Dhadhaab waa waxba kama jiraan. Go’aankaasi maaha mid aynu qaadanay.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Joseph Nkaissery.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shalay booqasho taariikhi ah ku Tagay Xerada Dhadhaab ee Gobolaka Woqooyi Bari ee dalka Kenya kadib markii ay dowlada Keya bishii may ay shaacisay in ay xiri doonto xeryaha Qaxootiga.

