Hay’adda ICRC oo Sheegtay in Cuno iyo Deeq kale ay Gaarsiin Doonto Maxaabiista ku Xiran Somaliya

0

Guddiga Caalamiga ah ee laanqayrta cas ayaa sheegay  in Cuno iyo Agabyo kale oo kitaabo quraan ay ku jiraan ay u qaybin doonaan in ka badan 5,000 oo maxaabiis Somali ah oo ku xiran Xabsiyo ku yaala Soomaliya.

Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxa ay muhiim u tahay dhamaanba Muslimiinta, waxayna anaga nootahay fursad aan ku xusuusano maxaabista xiligaan ku xiran Somaliya sidaasna waxaa yiri Ahmed Zaroug oo ah xiriiriya ICRC ee Somalia , waxa uu hadalkiisa sii raaciyay waxaan rajaynaynaa in kaalmadaan ay wax badan u taridoonto inta lagu jiro bisha Ramadaanka.

Maxaabiistaan 5,000, gaaraysa ayaa waxaa lasheegay in ay helidoonaan hilib arri, Caano booro,timir sokor iyo Caleen Shaah iyo sidoo kale kitaabo Quraan,hay’adda ayaa waxaa ay tilmaamtay in Ramadaankaan uu yahay kii sedexaad oo deeq nuucaan oo kale ah maxaabiista Somaliya ku xiran ay soo gaarsiiso waxaana deeqdaan ay hay’addu ka qaybin doontaa 29 xabsi oo Somaliya oo dhan ku yaala.

Hay’adda ICRC ayaa wax yaabaha ay qabato waxaa ka mid ah in ay u kuurgasho xaalada ay ku noolyihiin maxaabiista wadamada Caalamka ku xiran iyo gurmadyo kala duwan u fidiso,waxaana ay tilmaantay intii u dhaxaysay bilihii January iyo  March 2016 in ay booqatay 3,000  oo maxaabis oo ku xiran Somaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here