Wariye Sagal Salaad Cismaan oo Maanta Magaalada Muqdisho Lagu Aasay

0

Qabuuro ku yaala Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu Aasay Alle ha u Naxariistee Wariye Sagal Salaad Cismaan oo ka mid ahayd suxufiyiinta Warbaahinta Qaranka oo shalay ay Muqdisho ku dileen Rag Hubeysan oo sarnaa Mooto Bajaaj.

Aaska waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Ehelada Marxuumada, qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadda Plasma iyo suxufiin.

Ugu horeyntii Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed ee Nusoj Maxamed Ibraahin Macalimuu oo goobta warbaahinta kula hadlay ayaa alle ugu baryay Sagal Salaad Cusmaan in uu janadii Fardowso ka waraabiyo, wuxuuna dowladda Soomaliya ka codsaday inay Cadaaladda la tiigsadaan dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa tacsi u direy Ehelada Marxuum Sagal Salaad Cusmaan  isagoo hay’adaha Ammaanka ka codsaday inay gacanta kusoo dhigaan ragii ka dambeeyay falka lagu dilay wariyaha.

Shalay ayay aheyd Markii rag Hubeysan ay Isgoyska Banadir ee Degmada Hodan ku dileen Wariye Sagal Salaad Cismaan oo ka Tirsaneed Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaliya Xili ay kaso baxday Jaamacada Plasma ay wax ka baraneysay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here