Wafdi Horudhac u ah Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa goordhaweyd gaaray xerada Qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenyya,
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Danjiraha Soomaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa gaaray xerada Qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaas oo la filayo inuu gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Mas’uuliyiinta Sidoo kale gaaray xerada Dhadhaab waxaa kamid ah wafdi ka socda dowladda Kenya oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaisseryiyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya.
Wafdigaan ayaa Horudhac u ah wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan Shiikh Maxamuud oo ku wajahan maanta xerada Qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya, maadaama ay Kenya dhawaan sheegtay in ay xireyso Xerada Dhadhaab.





