Wafdi Horudhac u ah Madaxweynaha Soomaliya oo Goordhaweyd Gaaray Xerada Qaxootiga Dhadhaab+Sawirro

0

Wafdi Horudhac u ah Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa goordhaweyd gaaray xerada Qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenyya,

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Danjiraha Soomaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa gaaray xerada Qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaas oo la filayo inuu gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uuliyiinta Sidoo kale gaaray xerada Dhadhaab waxaa kamid ah wafdi ka socda dowladda Kenya oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaisseryiyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya.

Wafdigaan ayaa Horudhac u ah wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan Shiikh Maxamuud oo ku wajahan maanta xerada Qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya, maadaama ay Kenya dhawaan sheegtay in ay xireyso Xerada Dhadhaab.

IMG_9084 IMG_9086 IMG_9100 IMG_9105

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here