Dunida Muslimka oo si isku Mid ah Looga Soomay

0

Wadamada islaamka ayaa intooda badan maanta si isku mid ah looga soomay sidoo kalana dadka muslimiinta ah ee  ku nool wadamada islaamka ahayn ayaa si la mid ah u soomaya sida caalamka islaamka.

Wadanka Indunuusiya oo ay ku noolyihiin muslimiinta ugu badan ayaa xalay iclaamiyay in ay tahay maanta kowda bisha Ramadaan,sidoo kalana dalalka sucuudiga jordan iyo wadamo kale oo aad u badan ayaa maanta laga sooman yahay maalinta ugu horaysa ee bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Maamulada masaajida ugu waa weyn ee dalka maraykanka ayaa ayaguna ku dhawaaqy in ay tahay soon.

Marka lagasoo tago madaxda iyo mashaa’iqda Caalamka islaamka madaxda reer galbeedka ayaa hambalyo u diray dadka muslimiinta ah bisha ramadaan awgeed,waxaana ka mid ah madaxdaas Madaxweynaha Maraykanka iyo Raisul wasaaraha ingiriiska.

Dhanka Sadiiq khan oo ah Gudoomiyaha magaalada Londan ayaa sheegay asna in uu wanaag badan u rajaynayo dadka muslimiinta ah ee Caalamka ku nool.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here