Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Maanta Booqanaya Xeryaha Qaxootiga Kenya

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo shalay gaaray dalka Kenya ayaa maanta lagu wadaa In uu booqdo xeryaha Qaxootiga ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya oo ay ku jiraan dad Soomaliyeed.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Dowlada Soomaliya iyo kuwa Kenya ayaa u kuurgali doona xaalada dhabta ah ay  ku nool yihiin qaxootiga Soomaliyeed ee ku jira xerada Dhadhaab oo kamid ah xeryaha ugu weyn ee Gobolka Woqooyi bari  ee dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa dhawaan shaacisay in ay xiro doonto Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya oo ay ku jiraan kumanaan kun oo Soomali ah oo ka cararay Colaadihii iyo dagaaladii Sokeeye ee Soomaliya ka dhacay kadib burburkii dowlada Dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here