Ururka NUSOJ oo ugu Baaqday Dhinacyada Lugta Ku Leh Siyaasada Soomaaliya inay ilaaliyaan Xoriyada Saxaafada

0

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Marka Magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan  NUSOJ ayaa si kulul u Cambaareeyey Dilkii loo geystay Allaha ha U naxariistee Wariye Sagal Salaad Cusmaan oo ka tirsaneyd Shaqaalaha Wasaarada Warfaatinta gaar ahaan Radiyaha iyo television-ka  Qaranka Soomaaliya oo kooxo Hubeysan ay ku dileen Magaalada Muqdisho.

Xogahaya Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimow oo Wareysi gaar ah siiyey Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyntii Tacsi u diray Ehelada,qaraabadi iyo dhamaan Saxaafada Soomaaliyeed ee ay ka baxday Wariye Sagal Salaad Cusmaan.

Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa  ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh Siyaasada Soomaaliya inay Xaq-dhowraan Xoriyada Saxaafada Soomaaliyeed oo uu Tilmaamay inay kaalin Muuqata kaga jirto Horumarka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed

Mudane Macalimow ayaa Ha’yada Amaanka Dowlada Soomaaliya ka Codsaday inay dabagal iyo baaritaan ay ku sameeyaan Dilka loo geystay wariye Sagal Salaad Cusmaan isla-markaana Cadaalada la hor keeno  kuwii dilay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here