Maamulka Degmada Buulo-barde ee Gobalka Hiiraan ayaa ka Dayriyey Xaalada nololeed ee Boqolaal Qoys oo saameyn kala duwan ay ku yeesheen go’doomin hor leh oo Xarakada Al-shabaab ay saareen Dagmada iyo Fatahaada Wabiga Shabeelle uu ku sameeyey Xaafado ka tirsan Magaalada Buulo-barde.
Duqa Dagmada Buulo-barde ee Gobalka Hiiraan Cismaan Geedi Cilmi oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in Dadka ku Nool Degmada Buulo-barde ay Wajahayaan Xaalad adag oo dhanka Nolosha ah
Mudane Cismaan Geedi ayaa sheegay in Maamulka Degmada Buulo-barde ay Gurmad Dhinacyo badan leh ay u sameeyeen Dadka ku Guryo iyo Hanti beelay Fatahaada Wabiga Shabeelle ee mara Magaalada Buulo-barde oo Xarun ugu magacaaban Maamulka loo sameynayo Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale Duqa Dagmada Buulo-barde oo sii hadlayey ayaa Sheegay in Magaalada ay go’doomin hor leh ay saareen Dhaqa-dhaqaaqa Al-shabaab ee ka Dagaalama Deegaano ka tirasan Gobalka Hiiraan, kuwaasi oo uu xusay inay Xireen dhamaan Wadooyinka Muhiimka ahaa ee Degmada Buulo-barde.
Ugu dameyntii Cismaan Geedi Cilmi ayaa ugu baaqay Dowlada Soomaliya iyo Ha’yadaha Samafalka inay gurmad bini’aadainimo la gaaraan Dadka ku Dhibaataysan Magaalada Buulo-barde ee Gobalaka Hiiraan ee Go’doominta Al-shabaab iyo Fatahaada Wabiga Shabeelle uu isubiirsaday.
Magaalada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan oo ku Magacaaban Xarunta Maamulka loo Dhisayo Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa muddo ka badan Labo Sano Waxa ay u go’doonsan tahay Xarakada Al-shabaab.

