Ergada ka qeyb galaysa Shirka Magaalada Jowhar ee Maamul u Sameynta Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Dowlada Soomaaliya ku Eedeyey inay Jartay Gunooyinkii loogu Tala-galay Odayaasha Matalaya Bulshada labada Gobal ee ka qaybgalay Shirka Gogoshiisu ay Taalo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeellaha Dhexe.
Abiikar Cabdullaahi Cali oo ka Mid ah Siyaasiyiinta ka Soo jeeda Gobalka Hiiraan ee Jowhar ujooga inay ka qaybgalaan Shirka Maamulka loogu Sameynayo Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo Waraysi Siiyey Idaacada Simba ee Muqdisho ayaa Dowlada ku Eedeeyay inay wali hortaagan tahay Hanaanka Dhismaha Maamulka Gobaladaas.
Mudane Abiikar Cabdullaahi Cali oo sii hadlayey ayaa Sheegay in Dowlada Soomaaliya ay jartay Gunooyinkii looga talagalay Ergadii Dhawaan ay Xareysay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ee loo xilsaaray inay Amba qaadaan Dhismaha Maamulka Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe taasi oo uu xusay inay lama filaan ku noqtay.
Waxa uu Rajo Xumo ka Muujiyey sii Socoshada Qorshaha Maamul u sameynta Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxa uuna Tilmaamay in Odayaasha Gobalka Hiiraan kasoo jeeda ee mudda ku sugan Jowhar ay kulan ka Yeesheen Arimaha Dhismaha Maamulkaas isla-markaan ay go’aansadeen inay iskaga tagaan Jowhar Hadii Wasaarada Arimaha Gudaha ay wax ka badali weydo qaabka ay hada wax kuwado uu sheegay in uu Mugdi galinayo helitaan Maamul ay rabitaan kooda ay ku dhismaan bulshada Labadaasi Gobala
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa Dhowr jeer tagay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaan ku guuleysan in uu soo Afjaro Khilaafka iyo Tabashooyinka hortaagan Dhismaha maamulka Gobalada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

