Maamulka Gobolka Banaadir oo ka Hadlay Madaafiic Xalay ku Dhacday Degmada Dharkinley

0

Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowlada Soomaliya ayaa sheegay in  gacanta lagu dhigay mid kamid ahaa ragii xalay Hoobiyeyaasha  kusoo tuuray Duleedka Degmada Dharkenleey, kuwaas oo aan geeysan wax qasaare ah,

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Warbaahinta la hadlay kadib Hoobiyeyaasha  ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaliya ay gacanta ku dhigeen mid kamid ahaa ragii Hoobiyeyaasha kusoo tuuray degmada Dharkinley islamarkaana dhawaan warbaahinta loosoo bandhigi doono.

Warar soo baxaya oo Warbaahinta halayso ayaa sheegaya in Labada Hoobiye ee lagu tuuray  degmada Dharkinley in ay ku dhaceen saldhig ay Ciidamada Amisom  ku lahaayeen Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kipet, oo Wakaalada Wararka SONNA ay wax ka weydiisay in ay jiraan wararka qaar oo sheegaya in Hoobiyeyaasha ay ku dheceen Gudaha Saldhigga Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Xalane ayaa sheegay in Warkaasi aanu waxba ka jirin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here