Jose Pekerman:- Wax Dhaawac ah Ma Qabo Xidiga James Rodriguez

0

Macalinka xulka dalka Colombia Jose Pekerman ayaa ka hadlay dhaawaca soo gaaray xidiga James Rodriguez kadib guushii ay ka gaareen xulka dalka Mareykanka Furitaanka Ciyaaraha Copa America Centenario.

Xulka dalka Colombia ayaa 2:0 kaga guuleystay xulka dalka Mareykanka Furitaanka Ciyaaraha  Copa America Centenario, Xili uu goolkii guusha uu dhaliyay laacibka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid James Rodriguez.

Macalin Jose Pekerman Oo warbaahinta la hadlay kadib ciyaarta ayaa sheegay in uusan jirin dhaawac daran oo garabka kasoo gaara xidiga James Rodriguez.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here