Schneiderlin:- Jose Morinho Waa Macalinka Ugu Wanaagsan Aduunyada

0

Xidiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Morgan Schneiderlin  ayaa sheegay in kooxda Manchester United ay xili ciyaareedka Cusub ee 2016/2017 ay diirada saari doonto ku guuleysiga Horyaalka ingiriiska xili uu dhawaan qabtay Macalin reer Portugal ee Jose Mourinho.

Schneiderlin oo laga saaray Ciyaartooda  Xulka dalka France ee Ciyaaraha Uero 2016 ayaa sheegay in uu la hadlay Laacibka reer France ee Lassana Diarra, kaasi oo kasoo hoos ciyaaray Macalinka Jose waayihiisa Real Madrid iyo Chelsea.

Xidigii Hore ee qadka Dhexe ee kooxda Southampton ayaa sheegay in ku guuleysiga Horyaalka ingiriiska  iyo ka hoos ciyaarista Jose Morinho  ay u noqon doonto mid kamid waayihiisa ugu wanaagsna kubada Cagta.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here