Magaalada Adis Ababa oo ee Xarunta dalka Ethopia waxaa ka furmay shir loogu hadlaayay sidii Afrika ay u yeelan lahayd ciidamo gurmad ah oo ay qaaradu leedahay, iyo arimaha nabad galyada badaha Qaaradda Afrika.
Shirkaan waxaa Soomaliya u matalayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed isagoo halkaas ka jeediyay qudbad uu kaga hadlaayay xaalada Amaanka Soomaliya iyo dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.
Shirka waxaa sidoo loogu hadlay diyaarinta qorshaha ka bixtanka ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga Somaliya kuwaasi oo dhawana waqti ay sii joogayaan Gudaha dalka soomaliya 1-sano loogu daray.
Taliyaha XDS Sareere Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa kulanka ka sheegay in ciidmada Qalabka sida ee Soomalia ay u diraar garoobayaan, sidii ay ula wareegi lahaayeen guud ahaan sugidda ammaanka Soomaaliya.




