Shir Looga Hadlay Diyaarinta Qorshaha ka Bixtanka Ciidamada AMISOM oo Lagu Qabtay Dalka Ethopia+Sawirro

0

 

Magaalada Adis Ababa oo ee Xarunta dalka Ethopia waxaa ka furmay shir loogu hadlaayay  sidii Afrika ay u yeelan lahayd ciidamo gurmad ah oo ay qaaradu leedahay,  iyo arimaha nabad galyada badaha Qaaradda Afrika.

Shirkaan waxaa Soomaliya u matalayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed isagoo halkaas ka jeediyay qudbad uu kaga hadlaayay xaalada Amaanka Soomaliya iyo dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.

Shirka waxaa sidoo loogu hadlay diyaarinta qorshaha ka bixtanka ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga Somaliya kuwaasi oo dhawana waqti ay sii joogayaan Gudaha dalka soomaliya 1-sano loogu daray.

Taliyaha XDS Sareere Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa kulanka ka sheegay in ciidmada Qalabka sida ee Soomalia ay u diraar garoobayaan, sidii ay ula wareegi lahaayeen guud ahaan sugidda ammaanka Soomaaliya.

13329646_945119012288437_924116501_n-640x586 13329806_945119028955102_1821928920_n 13342030_945118948955110_549569889_n

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here