Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa sheegay in xalay ay Ciidamda Booliska Gaarka ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay burburiyeen Saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Wasiirka Hub kadhigista iyo Dhaqan celinta Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ciidamada Booliska Gaarka ay Weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Misre, oo u dhow degmada Diinsoor islamarkaana ay la wareegeen saldhig ay Alshabaab ka soo abaabuli jireen weerarada qorsheysan ee ka dhacayay Magaalooyinka uu ka arimiyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.
Mudane Xasan Xuseen Maxamed(Xasan Eelaay)ayaa tilmaamay in Ciidamada Al-shabaab ay isku dayeen in ay iska caabin kala hortagaan Ciidamda Booliska Gaarka ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya balse lagu hortagay arintaas.
Maalmihii dambe Ciidamda Booliska Gaarka ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waday Howlgalo ay kula dagaalamayeen Al-shabaab-ka ku sugan deegaanada Gobolada Bay Iyo Bakool.

