Tababar ku Saabsanaa Garsoorka oo Lagu Soo Gaba-gabeeyay Magaalada Cadaado

0

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Tababar  ku saabsanaa sara u qaadista adeegga garsoorka Galmudug oo tobankii cisho ee la soo dhaafay ka socday magaaladaas.

ilaa 25-hawlwadeen oo ka tirsan Garsoorayaasha, Saraakiil Booliska iyo Asluubta,  Galmudug ayaa ka faaideystay Tababarkaan ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Sosda.

Tababarkaan Maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Cadaado waxaa xiritaankiisa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir oo halkaas ka jeediyay qudbad uu kaga hadlayay Garsoorka.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka cadaaladda dawlad goboleedka Galmudug Maxamuud Guure Guuleed  ayaa sheegay in Garsoorka Galmudug oo ah mid curdan ah uu u baahan yahay tababaro iyo qalabaynba.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here