Taliska Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaliya ayaa sheegay in la dilay madaxii Jabhadaha iyo Amniyaadka ee Xarakada Al-shabaab, kaasi oo markii hore la baxay Suheyb balse magaciisa dhabta ah uu yahay Daauud,
Howlgalkaan oo ka dhacay Deegaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa NISA xaqiijisay in ay fuliyeen Ciidamada NISA iyo saaxiibadooda caalamiga oo Mareykanka uu qeyb ka yahay.
Warka kasoo baxay Taliska NISA laguma shaacinin sida loo dilay Hogaamiyihii Amniyaadka ee Al-shabaab iyo goobta lagu beegsaday.
Dhanka kale Wali Wax war ah kama soo bixin dhanka Al-shabaab oo ay ku xaqiijinayaan dilka madaxii Jabhadaha iyo Amniyaadka ee Al-shabaab.

