Madaxweynka dalka Turky-ga Recep Tayyip Erdoğan iyo mas’uuliyiin ka Tirsan dalka Turky-ga ayaa gaaray dalka Uganda ee Bariga Qaarada Africa,
Madaxda dalka Uganda ayaa wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha dalka Turky-ga Recep Tayyip Erdoğan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Magaalada Entebbe ee dalkaas.
Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in Aqalka Madaxtooyada dalka Uganda ay ku kulmaan Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo dhawaan ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaas.
Arimaha ugu waaweyn ee ay ka wada hadli doonaan labada masuul ayaa ah arimaha ganacsiga iyo sare u qaadista xiriirka labada dal.



