Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajandaha kulanka maanta ayaa ah hadal jeedinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Mudane Maxamed shiikh Cusmaan “Jawaari” iyo soo afjarida howlaha Baarlamaanka horyaala Xiligaan.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah habdhowraha Baarlamaanka Somaliya ayaa idaacada simba u sheegay in Guddoonka Baarlamaanka uu ku wargelin doono Xildhibaanada Shuruucda hartay ee u baahan meel marintooda.
Dhawaan ayay aheyd markii Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya uu xildhibaanada ku wargaliyay in dib loo dhigay kulamada Baarlamanka soomaliya muddo Todobaad ah xili ay xildhibaanada ka doodayeen Arrimaha Hanaanka doorashooyinka.

