Maamulka Puntland ayaa beeniyay in heshiiska dhanka khayraadka dalka ay la galeen dowlada dhexe ee soomaliya

0

Maamul Goboleedka Puntland ayaa beeniyay wararka ku aadan in dowlada soomaliya iyo Maamulka puntland ay heshiis ka gaareen qaybsiga khayraadka dalka kadib kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho

Agaasimaha Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland Ciise Maxamuud Faarax Dholowa oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay yihiin warar been abuur ah  wararka sheegaya in Maamulka Puntland iyo dowlada soomaliya ay ku wada heshiiyeen qaybsiga khayraadka dalka kadib kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho 21 October ee sanadkaan

Ciise Maxamuud Faarax Dholowa ayaa sheegay in kulankii ka dhacay Magaalada Muqdisho Todobaadkii aynu soo dhaafnay uu ahaa mid wadatashi ah aysan jirin heshiis ay wada Gaareen dowlada soomaliya iyo Maamulka Puntland

Hadalka Agaasimaha Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland Ciise Maxamuud Faarax Dholowa ayaa imaanaya xili Kulan Todobaadkii aynu soo dhaafnay ka dhacay Magaalada Muqdisho uu dhaxmaray wasaarada Macdanta & Batroolka iyo Madaxda maamul Goboleedyada ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo qeybsan lahaa khayraadka dalka

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here