Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed iyo wafdi uu Hogaamiynaayo oo shalay Gaaray Magaalada Cadaado ee caasimada KMG-ga Maamulka Galmudug ayaa Maanta la filayaa in uu Kulamo la qaato qeybaha Kala duban ee Bulshada ku dhaqan deegaanada uu Maamulka Galmudug ka arimiyo
Wafdiga Madaxweynaha ee shalay Gaaray Magaalada Cadaado waxaa kamid ahaa Madaxweynihii Hore Maamulka Galmudug Mudane Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid iyo xubno kamid ah Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug
Mudane C/kariin xuseen Guuleed markuu Gaaray Magaalada Cadaaado ayuu saxaafada u sheegay in Maamulkiisa uu diyaar u yahay wadahadal uu la Galo Maamulada Gobolada dhexe ka Jira isagoona Maamulka Puntland ugu baaqay Nabad iyo is Dhexgal.









