Dabley Xalay Weerartay Mid kamid Goobaha Lagu Qaadayo Imtixaanaadka Dugsiyada Sare ee dalka

0

Dabley Hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Iskuulka Hoose, Dhexe iyo Sare ee Baarbe oo ku yaala Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.

Iskuulka Baarbe, ayaa waxa uu ka mid yahay goobaha ay imtixaanaadka mideysan ku qaadayso Wasaaradda Waxbarashada Somaliya, oo amnigoodu ay suggayaan Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Gobolka Banaadir.

Israsaaseen kooban ayaa la sheegay in ay dhexmartay Ciidamadii ku sugnaa iskuulka iyo dableydii weerarka soo qaaday walina waxaa jirin qasaaro rasmi ah oo laga soo sheegay isku hor imaadka  xalay dhacay.

Maamulka Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan weerarka xalay lagu qaaday Iskuulka Hoose, Dhexe iyo Sare ee Baarbe oo ku yaala Degmada Dharkiinley oo kamid ah Goobaha sanadkaan lagu galaayo imtixaanka Shahaadiga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here