Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Ingiriiska Mudane Philip Anthony Hammond ayaa la filayaa in uu muqdisho soo gaarayo maalinta khamiista oo bari ah, isagoo kulamo la qaadan doona madaxda ugu sareysa Dowlada Soomaliya.
Ujeedka ugu weyn ee Muqdisho u imaanayo ayaa lagu sheegay Arrimaha Doorashooyinka iyo doorka ee dowlada ingiriiska ku leedahay arrimaha doorashooyinka Soomaliya ka dhacaya sanadkaan 2016-ka.
Madax kala duwan oo caalamka ka socota ayaa Magaalada Muqdisho kusoo wajahan Malmaha soo socda iyagoo Madaxda Dowlada Soomaliya kala hadlaya Arrimaha Doorashooyinka dalka ka dhacaya.

