Ciidamada Dowlada Soomaliya oo La Wareegay Tuulooyin ay ku Sugnaayeen Al-shabaab

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee  Bariga Goboka Galgaduud ee Bartmaha dhulka Soomaliya  ayaa la wareegay Tuulooyin hor leh ay ku sugnaayeen Mudooyinkii dambe Ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Tuulooyinka ay la wareegeen Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed waxaa kamid ah Ceel-Hareeri,Miixaan,Ceel-Heelo iyo Aflax-Bood oo dhammaan hoos taga degmada Gal-cad ee Gobalka Galgaduud bartaha dalka Soomaaliya.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Xoogga dalka Soomaliyeed oo warbaahinta lasoo gaarsiiyay ayaa lagu sheegay  in ciidamada ay deeganadaasi la wareegeen iyaga oo aan wax iska caabin ah kala kulmin Al shabaab, marka laga reebo deegaanka Gal-hareeri oo ay daqiiqado kooban isaga horyimaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo Al-shabaab.

Wali wax war ah kama soo Bixin dhanka Xarakada Al-shabaab oo loogu hadlaayo sheegashada Dowlada soomaliya ee ku aadan la wareegitaanka Goobo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here