Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Dowlada Soomaliya ayaa galabta gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Mudane C/kaamil Macalin Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Hey’adda NISA ay qabteen gaari waday hub iyo waxyaabaha qarxa isla markaana isla galabta ay qaadeen howlgal kale oo laga sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo lagu soo qabqabtay ilaa 4 qof oo uu ku jiro sarkaalkii hubka iyo qaraxyada gaariga ku soo raray.
Mudane C/kaamil Macalin Xirsi Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa tilmaamay in dhawaan warbaahinta lasoo bandhigi doono gaariga ay gacanta kusoo dhigeen Hay’adaha Amniga dowlada soomaliya.

