Guddiga isku dhafka Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa maanta markii ugu horeysay Gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Gobolka Nugaal.
Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaliya Mudane Maxamed Cali “Xagaa” ayaa Hogaaminaya Guddigaan, ujeedka ay u gaareen Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in ay tahay isku dhafka Ciidanka Puntland iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed ee ku sugan Qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.
Guddigaan waxay la kulmeen Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Maamulka Puntland General Siciid Maxamed Xirsi(Siciid dheere) iyo Saraakiisha kale ee Amniga maamula Puntland, waxayna booqdeen Xarunta Ciidamada Daraawiisha Puntland ee General Maxamed Dirir oo hor loo oran jirey (Ex- xeradii 54-aad).

