Guddiga isku Dhafka Ciidamada Soomaliya oo Gaaray Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal+Sawirro

0

Guddiga isku dhafka Ciidamada  Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa maanta markii ugu horeysay Gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Gobolka Nugaal.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada  Gaashaandhiga Xukuumada Soomaliya Mudane Maxamed Cali “Xagaa” ayaa Hogaaminaya Guddigaan, ujeedka ay u gaareen Magaalada Garoowe  ee Gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay  in ay tahay isku dhafka Ciidanka Puntland iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed  ee ku sugan Qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.

Guddigaan waxay la kulmeen Taliyaha Guud ee  Ciidanka Difaaca Maamulka Puntland General Siciid Maxamed Xirsi(Siciid dheere) iyo Saraakiisha kale ee Amniga maamula Puntland, waxayna booqdeen Xarunta Ciidamada Daraawiisha Puntland ee General Maxamed Dirir  oo hor loo oran jirey (Ex- xeradii 54-aad).

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here