Turkiga ayaa tilmaamay in uu ka walaacsanyahay abaaro iyo nabaad guurka deegaanka oo si aad ah uga soo ifbabaxay qaarada africa taasi oo halis ku haysa beeraha iyo qayraadka biyaha ee qaarada.
Wasiirada biyaha iyo hay’ada hormarinta gargaarka u qaabilsan turkiga ayaa waxa ay tilmaameen in ay tababar u qaban doonaan quburo gaaraysa 77 kuwaas oo ka kala imaandoona 30 wadan oo Africa kuyaala oo somaliya ay ku jirto si loola dagaalamo dhibaatooyinka deegaanka ka jira oo mudooyinkii dambe si aad ah usoo ifbabaxay.
Wasiirka wasaarada Turky-ga oo lagu magacaabo Veysel Eroğlu oo la hadlay wakaalada wararka u faafisa dalka turkiga ee Anadolu Agency ayaa sheegay in arrintaan lagu go’aamiyay shirkii Qaramada Midoobe ee ladagaalanka nabaad guurka ee ka dhacay dalka turkiga gaar ahaan magaalada Ankara sanadkii lasoo dhaafay.
Wasiirka Arrimaha biyaha iyo keymaha ee turkiga ayaa xusay in qibradooda ay lawadaagayaan wadamada qaarada Afrika dhaca ee kulankaan ka qayb gelaya si loo kordhiyo awoodooda dhinaca deegaanka.
Tababarkaan oo socodoona muddo usbuuc ah ayaa waxa ka qaybgalaya quburo ka socota woqooyiga iyo koofurta qaarada Africa
Wargeyska annadol

