5-askari oo Tirsan Ciidamada Nabad ilaaliyaasha Qaramada Midoobe ee Mali ku Sugan oo La Dilay

0

Weerar ka dhacay bartamaha dalka Mali ee Qaarada Afrika ayaa lagu dilay 5 ka tirsan Ciidamada nabad illaalinta u jooga ee ka socda Qaramada Midoobe, tira kalana waxa la sheegay in ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Askartaan ayaa marayay Gobolka Mopti halkaas oo lagu rasaaseeyay gaarigii ay lasocdeen ka hor inta uusan ku istaagin miino wada loo geliyay.

Goobta lagu weeraray Ciidamadaan ayaa lasheegay in ay ka hawlgalaan koox xiriir la leh ururka Alqaacida oo lagu magacaabo Macina Liberation Front.

Hawlgalka Qaramada midoobe ee dalka Mali ayaa la bilaabay 2013-kii xiligaas dagaalo u dhexeeya Mucaaradka iyo Dowlada ay ka bilowdeen Gudaha dalkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here