Gar-gaar Raashin ah oo Maanta loo Qeybiyay Dadkii uu Saameeyay Fatahaada Wabiga Shabeelle ee Beledweyne+Sawirro

0

Dowlada Jabuuti ayaa maanta Gar-gaar gaarsiisay dadkii dhawaan uu saameeyay Fatahaada Wabiga Shabeelle ee Mara Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan .

Goobta lagu qeybinayay Raashinka Gar-gaarka waxaa ku sugnaa Safiirka Dalka Jabuuti Iyo Wasiiro Ka socdo Dowlada Soomaaliya,  Maamulka Gobolka Hiiraan Iyo Saraakiisha  Ciidamada Jabuuti ee Qaybta ka ah Howl-galka Midowga Afrika AMISOM,

Ugu horeyntii Safiirka Jabuuti  u fadhiya  Soomaaliya Amb: Dhayib Dubad Rooble ayaa Shegay in Deeqdaan Loogu talagalay  Labo kun Iyo Afar  oo qoys waaxana deeqdan soo dhiibtay  Marwada Madaxweynaha Dalka Jabuuti khadro Maxamuud Xeyd oo ugu tala gashay in lagu caawiyo shacabka Reer Baladweyne ee ay biyaha maansheeyeen.

Gudoomiyaha Gobolka Hiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in deeqdaan gar-gaar lasooo gaarsiiyay waqtigii loogu talagalay islamaarkana ay kaga Mahadcelinayaan Dowlada Jabuuti sida ay u garab taagan tahay Shacabka Soomaliyeed.

Dhanka kale Askari ka Tirsan Ciidamada Dowlada Somaliya rasaas uu ridey waxaa ku dhimatay labo ruux oo kamid ahaa dadkii gar-gaarka loo qeybinayay waxaa la sheegayaa in askari gacanta ay ku dhigeen ciidamada Jabauuti.

DEEQ-RAASHIN-AH-OO-JABUUTI-AY-U-QEYBIYAAN-2-1024x576 DEEQ-RAASHIN-AH-OO-JABUUTI-AY-U-QEYBIYAAN-3 DEEQ-RAASHIN-AH-OO-JABUUTI-AY-U-QEYBIYAAN-5-1024x576 DEEQ-RAASHIN-AH-OO-JABUUTI-AY-U-QEYBIYAAN-6-1024x576 DEEQ-RAASHIN-AH-OO-JABUUTI-AY-U-QEYBIYAAN-8-1024x576 DEEQ-RAASHIN-AH-OO-JABUUTI-AY-U-QEYBIYAAN-9-1024x576 DEEQ-RAASHIN-AH-OO-JABUUTI-AY-U-QEYBIYAAN-10-1024x576 DEEQ-RAASHIN-AH-OO-JABUUTI-AY-U-QEYBIYAAN-13-1024x576

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here